Sabti, April, 20, 2019 (HOL)–Maamulka Isbitaalka SOS ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Ilmo yar oo la xaday 24 Saac kaddib markii ay hooyada ku umushay Isbitaalka.
Cunuga la
xaday oo wiil ahaa kuna dhashay isbitaalka Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa la
xaday Jimcihii shalay xiliggii Salaada Maqrib sida uu warbaahinta u sheegay
agaasimaha guud ee Isbitaalka SOS Maxamed Macalin Dhaqane.
Agaasimaha
ayaa intaa ku daray in dhacdadan waxba ka quseyn isbitaalka isaga oo sheegay in
cunaga yar ay xaday gabar kale oo la soctay Hooyada dhashay.
‘’Ilmaha
yar markii la xadayay Hooyada dhashay wey Huruday waxaa la joogtay gabadha
markii horeba la timid Isbitaalka oo ah tan la tuhusan yahay in ay Ilmaha yar
qaadatay’’ ayuu yiri Dhaqane.
Maxamuud Sheekh Axmed Maxamed oo ah wiilka la
xaday awoowgiis ayaa sheegay in Saldhiga degmada Huriwaa ay ka diiwaangeliyeen
kiiska si loo raadiyo haweenayda ilmaha yar xaday.
Lama garanayo sababta keentay in la xado Ilmo dhowr saacadood uun dhalan, waana
dhacdo ku cusub marka la eego inta badan isbitaallada magaalada Muqdisho.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]