4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2019
Puntland oo ka tacsiyeeysay geerida AUN Cabdirashiid Maxamed Xirsi



Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Xukuumadda Puntland ayaa ka tacsiyeeysay geerida allaha u naxaristo Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo saakay ku geeryooday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Marxuun Cabdirashiid Xirsi , ayaa qayb ka ahaa aasaaska Puntland, wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay labadii xukuumaddood ee u dambeeyay ,xilligii maamulkii madaxweyne Faroole ayuu soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka sannadihii 2009-2013.

Xukuumaddii madaxweyne Gaas, ayuu sidoo kale ka soo noqday wasiir.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]