4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex oo amartay in dacwadda wariye Coldoon lagu qaaddo gobolkii laga soo qabtay

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maanta la geeyey maxkamadda gobolka Maroodi jeex si rumaan looga qaato inta kiiskiisa ay baadhayaan, ayaa ka diiday inay rumaansiiso iyado ku dooday in dacwadiisa lagu qaado gobolkii laga soo kaxeeyey iyo in aanu bixin amarka soo qabashada wariyaha.

Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa iska leexisay in ay iyadu amartay soo qabashada wariye Coldoon, waxaanu sheegay in amarkaasi aanay iyadu lahayn, isla markaana aanay awood u lahayn inay dacwadiisa gasho maxkamada gobolka Maroodi jeex maadaama oo gobolka laga keenay ay ka jiraan maxkamadihii gobolka.

Sidaas waxa warbaahinta u sheegay garyaqaankiisa Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo kiiskiia la socday, waxaanu yidhi “saaka maxkamda gobolka Maroodi jeex baa la hor keenay, si ay Ciidankii soo qabtay uga qaataan rumaan, wuxuu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi jeex u diiday inuu siiyo waraaqda rumaanka laba sababdood darteed, qaabka loo soo xidhay oo aan sharci ahayn oo aanu bixin amarka qabashada, taas oo gudoomiyaha gobolku uu iska bari yeelayey iyo arrinta labaad oo ah in laga soo xidhay gobolka Togdheer oo ay joogaan maxkamadihii gobolku oo aanay sharci ahayn in ay Hargeysa lagu qaado dacwadiisa mar hadi aanay maxkamada sare soo wareejin gal dacwadeedkiiskan”.

Sidoo kale, maxkamadda gobolka Maroodi jeex waxay amartay in dhakhtarka la geeyo si loo eego dhibaato ka soo gaadhay markii uu ciidanka ka baxsanayey iyo in loo ogolaado in ehelkiisa iyo garyaqaankiisuba booqan karaan maxbuuska.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.