4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Magaalada Garoowe waxaa subaxnimadii hore ee saakay ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ahaa siyaasi siweyn loo garanayay deegaannada Puntland.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Marxuumka ayaa siweyn uga soo shaqeeyay siyaasada Puntland ku dhawaad 20kii sano ee ugu danbeysay isaga xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka.

Marka laga soo tago in uu soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland sidoo kale marxuumku soo qabtay xilka wasiirka howlaha Guud iyo Wasaarradda Kalluumeysiga oo uu Wasiir ka soo noqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]