4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Dowladda oo sheegtay in aan la aqbali doonin dibadbaxyo Facebook laga abaabulo

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aqbali doonin in dadka lagu marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo Facebook laga abuulo.

Labadii cisho ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka jirtay cabsi xoogan oo laga qabay in qarxaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, taa oo sababatay in dowladdu ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka dhigtay dhamaanba isgoysyada muhiimka ah si looga hortago dibadbaxyada.

Wasiiro Isloow ayaa sheegay in fariimaha leysku daray ee ku saabsanaa dibadbaxyada ahaayeen kuwo aan wax ba ka jirin oo la doonayay oo kaliya lagu marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

‘’Bulshada waxaan ugu baaqeynaa in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga, islamarkaana aysan u dhagtaagin wararka been abuurka ah ee la doonayo in lagu marin habaabiyo’’ ayuu yiri Wasiirka Isloow.

Siyaasiyiin taageersan dowladda ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ku ah dowladda iyo xisbiyada siyaasada qaarkood gadaal ka riixayaan wararka lagu kicinayo bulshada, gaar ahaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda inkastoo Khamiistii aynu soo dhaafnay wax dibadbax ah uusan ka dhicin magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]