4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray ciidamada dowladda

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay booqasho aan la sii shaacin ugu tagay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannadii ugu danbeeyay ee laga qabsaday Al-shabaab gobolka Shabeellaha hoose ayaa fariin u diray ciidamada.

Madaxweynaha oo tagay deegaannada Sabiib iyo Canoole oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu baaqay ciidamada halkaa ku sugan in aysan dib uga soo bixin deegaannada ay ka qabsadeen Ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan dhowr cisho kaddib isaga baxa deegaannada ay kala wareegaan Ururka Al-shabaab oo mar danbe dib u qabsada.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in dowladdu qorsheyneyso in ciidamo dheeraad ah ku xoojiso gobolka Shabeellaha hoose oo ka mid ah deegaannada inta badan ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]