4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Iska horimaad ka dhacay gobolka Gedo

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada.

Dadka ku sugan degmada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay maqleen xalay hub culus oo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa dib isaga caabiyay dagaalyahannada Ururka Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ka dhacaan dagaallada ugu badan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]