Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada heer Faderaal iyo Goboleed oo War-murtiyeed ka soo baxay
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Kulankii Afraad ee ay yeesheen Wasaaradda
Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad
Goboleedyada ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, intii u dhaxeysay 30ka Maarso
ilaa 1da Abriil 2019. Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirada, Agaasimeyaasha
guud iyo agaasime-waaxeedyada iyo farsamo yaqaannada wasaaradaha.
Shirku intuu socday waxaa lagu falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah,
go’aamadii ka soo baxayna waa sida hoos ku xusan:-
Imtixaanaadka
Xogta waxbarashada ee gobolada
dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha
Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.
- T) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay
gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa
Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa.
- J) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba,
wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn
shuruudo kale.
- X) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda
Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha
dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda.
- KH) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta
guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020.
- D) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020,
imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona
shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad
goboleed oo kaliya.
Horumarinta macallinka
Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo
tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la
tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha
waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo
macalimiinta iyo tayayntooda.
- T) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa
lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee
heer federaal & heer dowlad goboleed.
- J) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada
iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda
federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin.
- X) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer
federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo
lagu taageerayo waxbarashada.
Mashaariicda waxbarashada
Waxaa la isku raacay in mashaariicda
waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo
marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo
ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha
dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September
19, 2016.
- T) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad
goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu
salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta
iyo bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]