4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)-Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey  Al-shabaab ayaa faray hay'adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan."

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.

"Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]