4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Laascaanood : Macalin u dhashay dalka Kenya oo Diinta Islaamka qaatay

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Obimba oo sanadihii la soo dhaafay barre ka ahaa dugsiga sare ee Geteway ayaa ku qancay in uu ka tanaasulo diintii uu horey u haystey oo uu qaato diinta Islaamka.

Sheekh Cali Macalin oo shahaadada u qabtay ayaa si aad ah u soo dhoweeyey ninkan oo ku lebisnaa direys bidhaamaya oo ah badanaa ka Islaamka calaamada u ah.

DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo aad u faraxsan ayaa hadal kooban ka sheegay " dad badan ayaa isku deyey inay igu qanciyaan inaan qaato diinta Islaamka iyagoo Ii balan qaaday in ay isiin doonaan dhaqaale iyo waxkalaba, laakiin maanta waxaan islaamay anoog waxba aan Rabin"

Ninkan ayaa markii uu masaajidka ka soo baxay loogu yeedhayey Billaal iyadoo ay gelbinayaan macalimiinta iskuulkaas iyo culimo badan.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool