3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare dhimasho.

Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga degmada Maxaas Cabdirashiid Cismaan Carab ayaa lagu waramayaa in uu qaraxa ku geeriyooday

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan hasse ahaatee ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa wada baaritaanno la xiriira cida ka danbeysay qaraxan miino.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/19/2019 2:35 PM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey Al-shabaab ayaa faray hay'adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah.

4/19/2019 1:01 PM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Waxaa magaalaga Hargeelle ee Gobolka Afdheer gaadhay wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar, wafdigan ayaa si quruxsan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeelle iyadoo shacab tiro badan ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan Madaxwaynahooda.

4/19/2019 11:48 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

4/19/2019 10:52 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika Axmed Abdul Aziz Kattan ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho,halkaas oo uu kullamo ka wado.

4/19/2019 7:49 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada dalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, April 2019.

4/19/2019 7:11 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Mali iyo dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku dhawaaqay inay xilka iska casileen kaddib markii dalkaasi ay sare u kaceen dhacdooyinka amni darrada ah.

4/19/2019 4:28 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)-Taliye ku-xigeenka saldhiga Booliiska deegaanka Likoni Joab Omondi ayaa is dilay kaddib markii uu toogasho ku dilay gabar ay saaxiib ahaayeen.

4/19/2019 3:46 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa si kulul uga jawaabay qaabkii fasiraadda uga bixiyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka warbixintii qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo baaryaya eedeeyntii ahayd in Ruushka ay galangal ku yeesheen doorashadii Mareykanka ee 2016.

4/19/2019 3:34 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Maanta oo Jimco ah 19ka bisha April waxaa mar kale dib u dhac uu ku yimid shir ay isugu iman lahaayeen madaxda dowlad gobolleedyada, kaa oo horay uu ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

4/19/2019 12:24 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu ansixiyay sharciga Taya-dhowrka.

4/19/2019 12:11 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.