4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Wafdi ka socda Sacuudiga oo kulamo ka wada Muqdisho

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika Axmed Abdul Aziz Kattan ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho,halkaas oo uu kullamo ka wado.

Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika iyo saraakiisha kale ee booqashada ku weheliya waxaa ay la kulmayaan madaxda sare ee dowladda federaalka oo uu ugu horreyo madaxweyne Farmaajo,iyadoo booqashada ay Muqdisho ku soo gaareen lagu sheegay inay qayb ka tahay safaro uu ku marayo dalalka gobolka geeska Afrika,wsiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika.

"Waxa ugu weyn ee wafdiga uu usoo gaaray Muqdisho, waa sidii madaxda sare ee dowladda loo soo gaarsiin lahaa martiqaad la xiriira shir weyne u dhaxeeya Sacuudiga iyo Afrika ." ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyadda oo la hadlay HOL.

Shirka Sacuudiga iyo Afrika ayaa la sheegay in looga hadli doono iskaashiga iyo wax wada qaybsiga labada dhinac.

Sacuudiga ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxaana dhaqaalo badan ay ku taageerran fadhigeeddu yahay caasimadda Muqdisho oo wali ku tiirsan taageerrada ay ka hesho waddadama dibadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]