4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2019
Wax-qabadka Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta oo Muqdisho lagu soo bandhigay

 


Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada dalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, April 2019.

Shirka waxa ka soo qeyb galey ka faa'ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee uu maalgeliyo Bankiga Aduunku oo kala ah Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dawlad Goboleedyada, Shabakadda SomaliREN, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mudadii uu socday shirku waxa uu Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta Soomaaliya soo bandhigey howlihii uu mashruucu ka hir geliyey wadanka oo dhan. Mashruuca oo shaqayanyaay (2014-2016 wejigii 1aad) iyo 2015 ilaa Hadda wejigii 2aad ayaa qabtay howlaha hoose:-

  1. Qolalka isgaariinta

Mashruucu waxa uu ka hir geliyey wadanka oo dhan 37 qolal isgaarsiineed oo casri ah kuwaas oo loogu talo galey in lagu fududeeyo habka wada xiriirka maamuladda iyo wasaaradaha Dalka. Goobahan soo socda ayaa laga aasaasey qolalkan:

  • Muqdisho:

Xafiiska Raysal wasaaraha, Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiydda , Xarunta Aqalka sare, Xafiiska gudoonka golaha shacabka Soomaaliyeed-Villa hargaysa, Bankiga dhexe, Wasaaradda Batroolka iyo Wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga.

  • Puntland: Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadkagaiyo Wasaaradda Qorsheynta.
  • Jubbaland: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dayactirkooda.
  • Koonfur Galbeed: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dayactirkooda.
  • Galmudug: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (Xafiisyadii Cadaado) iyo dayactirkooda.
  • Hirshabelle: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Xarunta Degmada BeledWeyne iyo dayactirkooda
  • Sidoo kale Mashruucu wuxuu ka hirgeliyey qolalka Isgaarsiinta casriga ah 5 xafiis oo ku yaala Somaliland kuwaasoo kala ah Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda. Sidoo kale Mashruucu waxa uu u gadey internet 10Mbps ah 5 taas xafiis ee kore.
  1. Iibinta Internetka
  • Muqdisho

Mashruucu waxa uu Ii biyey internet xawaarihiisu sareeyo oo gaaraya 1stm-1 15 xarumood oo ku yaal Muqdisho oo ay isticmaalaan ilaa 25 wasaaradood iyo xafiisyo dawladeed: xarumaha uu internetku ku jiro waxay kala yihiin:

Xafiiska raysal wasaaraha, Wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, Wasaaradda arimaha dibadda, Wasaaradda gaanshaandhiga, Wasaaradda ganacisga iyo warshadaha, Wasaaradda waxbarashada, dhaqanka iyo tacliinta sare, Wasaaradda warfaafinta, dalxiiska iyo hidaha, Wasaaradda batroolka, Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, Wasaaradda amniga gudaha, Wasaaradda cadaaladda, Wasaaradda maaliyadda, Bankiga dhexe iyo Maamulka Gobolka banaadir

Sidoo kale waxa uu mashruucu siiyey khad internet oo dhan 10Mbps qolalka Isgaarsiinta ee laga hirgeliyey xarumaha hoose:-

    • Puntland: Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadkagaiyo Wasaaradda Qorsheynta.
    • Jubbaland: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dayactirkooda.
    • Koonfur Galbeed: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dayactirkooda.
    • Galmudug: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (Xafiisyadii Cadaado) iyo dayactirkooda.
    • Hirshabelle: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Xarunta Degmada BeledWeyne iyo dayactirkooda
  • Mashruucu waxa uu dayac tirey Qolka Isgaarsiinta (Government Network Room) oo lagu sameeyey qalabeyn kaasi oo ay taalo seerfarada isku xira internetka Dawaldda ee laga hirgeliyey Muqdisho. Khadkaas oo shaqayn doona muddo 20 sanno ah oo kasoo bilaabantay maalinkii laga shaqeysiiyey internetka.
  • Bixinta kharashaadka korontada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda oo uu mashruucu bixiyo.
  • Taageeridda Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda diyaarintii iyo wejiyaddi kala duwanaa ee uu soo maray sharciga isgaarsiinta
  • Tababaradda Shaqaalaha wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo lagu taba baray maamulka, Maaliyadda iyo Iibka.
  • Xog ururinta Baahiyaha ka jira Qeybta Isgaarsiinta ee dawladda dhexe, Dawlad Goboleedyada iyo dhamaan ka faa’ideystayaasha mashruuca oo aan kala shaqaynay qeybaha kore.
  1. Bahda waxbarashada sare:
  • Bixinta Kharashka xubinimmidda SomaliREN Ubuntu Alliance oo ah urur caalami ah oo ay ku midoobaan shabakadaha waxbarashada iyo Cilmi baarista ee caalamka.
  • Bixinta Kharashaadka qeyb kamida ah Internet xawaarihiiisu yahay 1STM-1 oo ay qeybta kale bixisey EU taasi oo muddo 15 sanno ah ay ka faa’ideysan doonaan Jaamacado Soomaaliyeed oo ku kala yaala Goboladda dalka.
  • Shaqaaleysiinta Khabiir sare oo ka caawiya Shabakadda SREN dhismaheeda iyo shaqooyinkeedaba.
  • Soo iibinta qalab ay ku shaqeyso SomaliREN oo isku xiraya Jaamacadaha xubnaha ka ah ee Muqdisho ku yaal iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
  • Bixinta deeq tobobar(capacity building grant) oo la siiyey SomaliREN taasi oo ay uga faa’ideysay Jaamacadaha Xubnaha ka ah iyo Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed
  1. Taageerida Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
  • Shaqaalaysiinta Khubaro la shaqaysa Hay’adda oo kala shaqaysa howlaha loo igmadey, mashruucu wuxuu shaqaalaysiisey khubaro.
  • Taageeridda Hay’addu Xafiiska ay ku shaqeyso (Sida qalabaynta Xafiiska iyo bixinta kiradiisa muddo 1 sanno)
  • Gaadiidka Hay’adda oo lagu taageerey hal gaari
  • Shirarka Maamulka Hay’adda oo mashruucu ka bixiyo kharashaadka ku baxa (Board meetings).
  • Wada tashiyadda ay Hay’addu la leedahay shirkadaha gaarka loo leeyahay oo uu mashruucu ka taageero.
  • Ka qayb gelka shirar caalami ah oo ay hay’addu ka qeyb gashay.
  • Bixinta Qarashaadka lasoo wareegida summada .so iyo ka shaqaysiinteedaba.

Shaqooyinka Socda

Puntland:

  • Tababaradda Shaqaalaha rayidka ee Puntland oo lagu tababaryo xirfadaha Isgaarsiinta
  • Kordhinta Xawaaraha internetka la siiyey xarumaha kala duwan oo lagu kordhinaayo 18Mbps.

Internetka iyo Qolalka Isgaarsiinta

  • Kordhinta xawaaraha Internetka Xafiisyadii hore loo siiyey khadka internetka.
  • Daahfurka Qolalka Isgaarsiinta ee Hirshabeele (Waxaa mudada laga sugayaa maamulka Hirshabelle)

Waxbarashada Sare:

  • Iibinta Internetka ee Jaamacadaha xubinta ka ah SomaliREN ee ku kala Yaal Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.
  • Kordhinta xawaaraha internetka la siiyo Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed
  • Iibinta Internet la siiyo Faraca Jaamacadda Ummadda ee ku yaal Caabudwaaq.
  • Iibinta Qalab isku xira jaamacadaha xubnaha ka ah SomaliREN ee ku yaal Muqdisho
  • Qalabaynta Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha shirka ayaa xaqiijiyey hirgelinta shaqooyinka sare waxa ayna soo jeediyeen in wejiga labaad lagu daro muddo kordhin (Mashruuca iyo howl wadeenadiisa) isalamarkaana la helo kharashaadkii lagu sii wadi lahaa mashruuca inta laga gaarayo bilowga wajiga 3aad ee Mashruuca, ayna ka wada shaqeeyaan bankiga aduunka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dawlad Goboleedyada & Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta; si mashruuca wejigiisa 3aad u noqdo mid daboola baahida dalka. Iyada oo laga faa’ideysanayo casharadii laga bartay wejiyadii hore.

Shirka ayaa u mahad celiyay Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]