4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Xukuumad dhan oo isku casishay fashil Amni

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Mali iyo dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku dhawaaqay inay xilka iska casileen kaddib markii dalkaasi ay sare u kaceen dhacdooyinka amni darrada ah.

Baarlamaanka ayaa Arbacadii codka kalsoonida kala noqoshada ka gudbiyay ra’iisul wasaare Soumeylou Boubeye Maiga oo ay ku eedeeyeen inuu ku guuldareystay wax ka qabashada xaaladda amniga ee dalka Mali.

Madaxweyne Ibraahim Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada.

Waxaa uu sheegay in dhawaan lasoo magacaabi ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.

Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi.

Xigasho BBC