4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Xubnaha Dimuqraadiyiinta oo si kulul uga jawaabay warbixintii Robert Mueller

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa si kulul uga jawaabay qaabkii fasiraadda uga bixiyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka warbixintii qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo baaryaya eedeeyntii ahayd in Ruushka ay galangal ku yeesheen doorashadii Mareykanka ee 2016.

Afhayeenka aqalka golaha wakiilada Nancy Pelosi oo iyadu ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in khudbaddii uu jeediyay xeer ilaaliyaha Mr Barr ay ahayd mid u janjeerta dhan xisbi.

Senatar Elizabeth Warren ayaa sheegtay in ay tahay wax laga xumaado in xeer ilaaliyaha uu u dhaqmay sida qareen shaqsiyadeed oo u nacamleeya madaxwaynaha.

Debbie Wasserman, ayaa dhankeeda sheegtay in golaha Kongreska ay u yeeri doonaan Robert muller qudhiisa oo ah ninka warbixinta soo diyaariyay.

Jerold Nadler, oo isana ka tirsan xisbiga dimuqradiga ayaa sheegay in xubnaha aqalka kongreska ay u taallo in ay dalbadaan sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan warbixnta.

Warbixinta qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo ahayd mid si wayn loo wada sugayay ayaa waxa lagu sheegay in wax cadeyn ah aan loo helin xiriir ka dhaxeeyay Ruushka iyo kooxdii ololaha doorashada ee madaxwayne Trump.

Hase ahaatee, wali wakiilku ma uusan soo saarin go'aan rasmi ah oo ku saabsan in madaxweynaha uu sharciga ku xad gudbay iyo in kale.

Balse madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayay in shaqada laga ceyriyo ninkii loo xushay inuu baaritaanka ku sameeyo xiriirka uu madaxweynaha la leeyahay Ruushka, sida ku xusan warbixin Robert Mueller.

Madaxwayne Trump ayaa isaga markiiba bartiisa Tweetar-ka qoraal uu soo dhigay waxaa uu ku sheegay in guul siyaasadeed uu garay islamarkana ay ciyaartu dhmaaatay. 

Xigasho BBC