4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo mar kale dib u dhacay

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Maanta oo Jimco ah 19ka bisha April waxaa mar kale dib u dhac uu ku yimid shir ay isugu iman lahaayeen madaxda dowlad gobolleedyada, kaa oo horay uu ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Shirkan oo ka furmi lahaa magaalada Muqdisho ayaa lagu wada in looga arinsado arrimaha Amniga, waxaana ka soo qeybgalka shirkan ka soo horjeestay qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana ka mid ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug, iyadoo maalmaha soo socdana la filayo in ay ku biiraan qaar kale oo ka mid ah madaxda maamulada dalka ka jira sida madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii labaad oo madaxda dowlad gobolleedyada dalka ka baaqdaan shir uu ugu yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Galmudug ayaa horey u sheegtay in marnaba aysan ka qeybgali doonin shirka Amniga ee Muqdisho ka furmaya iyadoo ku eedeysay dowladda federaalka in ay fara-galin ba’an iyo kala qeybin ku heyso maamul gobolleedka Galmudug.

Dhinaca kale waxaa hadda jira mugdi siyaasadeed oo sop kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe ee federaalka kaddib shirkii gargaarka ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho oo madaxda Hirshabeelle sheegeen in lagu duudisay xuquuqdii ay lahaayeen.

Wali wax war ah kama soo bixin madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ku aaddan shirkan lagu sheegay in maanta uu baaqday maadaama aysan imaan magaalada muqdisho madaxda maamul gobaleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]