3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dhisayo hay’ad ka hortagta wax-yaabaha dhacay ee dalka la soo galiyo

 

Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho ay yeesheen Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu ansixiyay sharciga Taya-dhowrka.

Sharcigan oo ah mid muhiim u ah tayo dhowrka wax yaabaha kala gadisan ee dalka soo dhoofiyo ayaa wadada u xaaraya dhismaha hay’adda ka hortaga wax-yaabaha dhacay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sharcigas uu joojin doono wax-yaabaha dhaca ee dalka la keeno, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in u jeedada hay’adaas loo dhisaayo ay tahay xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe ee dalka sanadkii 1991kii Soomaaliya ma laheyn hay’ad u taagan tayo dhowrka wax-yaabaha loo soo dhoofiyo dalka ama loo iibkeeno, taasoo dad badani ku dhalisay shakiga ah badqabka iyo tayada guud ahaan badeecooyinka dalka la keeno gaar ahaan raashinka iyo dawada oo muhiim u ah nolasha Aadanaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/19/2019 2:35 PM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey Al-shabaab ayaa faray hay'adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah.

4/19/2019 1:01 PM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Waxaa magaalaga Hargeelle ee Gobolka Afdheer gaadhay wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar, wafdigan ayaa si quruxsan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeelle iyadoo shacab tiro badan ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan Madaxwaynahooda.

4/19/2019 11:48 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

4/19/2019 11:06 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare dhimasho.

4/19/2019 10:52 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika Axmed Abdul Aziz Kattan ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho,halkaas oo uu kullamo ka wado.

4/19/2019 7:49 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada dalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, April 2019.

4/19/2019 7:11 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Mali iyo dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku dhawaaqay inay xilka iska casileen kaddib markii dalkaasi ay sare u kaceen dhacdooyinka amni darrada ah.

4/19/2019 4:28 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)-Taliye ku-xigeenka saldhiga Booliiska deegaanka Likoni Joab Omondi ayaa is dilay kaddib markii uu toogasho ku dilay gabar ay saaxiib ahaayeen.

4/19/2019 3:46 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa si kulul uga jawaabay qaabkii fasiraadda uga bixiyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka warbixintii qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo baaryaya eedeeyntii ahayd in Ruushka ay galangal ku yeesheen doorashadii Mareykanka ee 2016.

4/19/2019 3:34 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Maanta oo Jimco ah 19ka bisha April waxaa mar kale dib u dhac uu ku yimid shir ay isugu iman lahaayeen madaxda dowlad gobolleedyada, kaa oo horay uu ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

4/19/2019 12:11 AM EST
Jimco, April, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.