4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Puntland oo ka soo horjeesatay hadalkii wasiirka waxbarashada DF

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)- Shirka golaha wasirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixinno kale.

Shirka waxaa guddoomiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed dhowr qodob ah.

Qodobadii warmurtiyeedka ku xusnaa waxaa qeyb ka ahaa arimaha Imtixaanaadka shahaadiga ee ay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya sheegtay in Ardayda dugsiyada Puntland ay galayaan imtixaanaadka ay qaado dowladda Federaalka taasoo warmurtiyeedka lagu xusay in Puntland aysan diyaar u ahayn xilligan in ardayda wax ka barta dugsiyada dhexe iyo sare ay galaan Imtixaan shahaadi ah ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay soo diyaarisay sababo la xiriira in uusan jirin manhaj dhameystiran iyo siyaasad qeexaysa maamulka imtixaan madeysan.

Go'aankan wuxuu ka dambeeyay markii wasiirka waxbarashada federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre uu sheegay Puntland inay diidday ka qaybgalka imatixaanka mideysan ee ay wasaaraddu qaado.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka shirka laga soo saaray;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]