4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadashay muranka ka taagan dhul dawladdu la wareegtay

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Ciidanka amaanka Somaliland ayaa goob laga dhisayo madaxtooyada cusub ka raray qoys deganaa, kuwaas oo sheegay in xoog looga saaray guryahoodii.

Qoyskan laga burburiyey hantidii ay ku lahaayeen goobta madaxtooyada cusub laga dhisayo ayaa xukuumadda iyo madaxweynahaba ku eedeeyey inuu dhulkoodii ka qaadayo.

Qoyskan dhulka laga raray ayaa sheegay in saaka salaadii subax ciidanku xoog kaga soo saareen qoyskan oo sheegay in dhulkan qasab looga qaadayo.

Hasse ahaatee, agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in qoysas badan oo deganaa si fiican uga guureen, haseyeeshee hal qoys oo kaliya ku hadheen, waxaanu ku dooday in dhulka qaranku marka loo baahdo cid walba laga qaadi karo.

“Way jiraan dad faro badan oo laga raray oo dadkii caadiga ahaa mar horey ka guureen, 99.9% way ka guureen, waxa ku hadhay uun qoys kaliya, dhulkana waxa iska leh qaranka maaha hanti uu qof yeelanayo”ayuu yidhi agaasime Bille.

Dhulkan madaxtooyad cusub laga dhisayo ayaa ku yaalla duleedka koonfur galbeed ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ah meel banaan, haseyeeshee waxa ku doodaya inay leeyihiin qoys magaaladda caan ka ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.