4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Axmed Nuur Sh Maxamed Saahid oo maanta Xabsiga Jigjiga laga siidaayay

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Waxaa maanta Xabsiga laga sii daayay Axmed nuur Sh Maxamed Saahid oo horey ugu xidhnaa magaalada Jigjiga, Axmed Nuur ayaa muddo bil ku dhaw ku xidhnaa Jigjiga.

Ehelada iyo Shacabka magaalada ayaa aad usoo dhaweeyay siidaynta Axmed Nuur, waxayna ehelada Axmed nuur u mahad celiyeen cid walba oo ka qayb qaadatay siidaynta wiilkooda.

Axmed nuur ayaa u xidhnaa hadalo uu kaga soo horjeeday Madaxwayne Mustafe Cagjar oo uu maamulkiisa ku dhaliilsanaa, waxaana xilligaa la isla xidhay Khadar Jigre oo isagu horey loo siidaayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]