4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo maanta ka qaybgalay Shir-waynihii Ururka ONLF ee Qabridahar

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Shirwaynihii Ururka ONLF uga socday Gobolka Qoraxay gaar ahaan magaalada Qabri-Dahar.

Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa inta uu shirku socdo waxaa la filayaa in uu hadalo ka soo jeediyo Shirka, isagoo shirku marayo maalintii afraad.

Horey waxaa Shirka maalintiisii koowaad ka qayb galay madax kasocotay DDS oo uu u horeeyay Wasiirka madaxtooyada Xassan Daadhi iyo madax kale oo degaanka ka tirsan.

Ka soo qayb-galka Madaxwayne Mustafe Cagjar ee Shirwaynaha Ururka ONLF ayaa ahaa mid aan horey loo shaacin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]