4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Ciyaarahii Columbus Ohio ee Soomaalida oo Shalay Furmay

Khamiis ,April, 18, 2019 (HOL) – Ciyaaraha Soomaalida ee Columbus oo sanad walba lagu qabto xiligan ayaa tartankii 19aad ka biloowday shalay magaaladda Columbus Ohio ee Mareykanka.

Xafladii furitaan ayaa lagu qabtay gudaha garoonka ay ciyaarahu ka dhacayaan iyagoo socon doona ilaa maalinta axada ah oo la ciyaarayo tan kama danbaysta ,Xafladda furitaanka  waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah kooxaha  ciyaaraya madax ka socday magaalada Columbus, hay’adaha dhaqaalaha ku bixiya koobkan sanad walba iyo dadwaynaha dagan magaaladan

Sanadkaan waxaa ciyaaraha ka qaybgalaya 20 koxood oo kala socda gobolada Maraykanka iyo dalka Canada, ciyaartooyda yar yar , iyo kuwa cuslaadaybda

Bashiir Geelle oo ah Madaxa ciyaarahaan Columbus Indoor Soccer Cup ayaa shalay ka gudoomay madaxda  Franklin County waraaq ay ugu hanbalyeeyeen ciyaarahaan kaalinta wanaagsan uga jira horemarka bulshadda Ohio.

Flickinger Legal Group oo ah xafiis garyaano sanad walba ka qeyb qaata taageerada ciyaarahaan ayaa shalay meesha ka hadlay waxayna sheegeen inay farxad u tahay ka qaybgalka ay sanad walba ka soo qaybgalaan kunu kasbadeen saaxiibtinimo qoto dheer oo xafiiskoodu la lee yahay Soomaalida Ohio.

Ciyaarahaan oo la qabnayo sanadkii 19aad ayaa waxaa magaaladdan isagu yimaado bahda isboortiga oo jiilal kala duwan ah, waxayna camirtaa magaaladdan oo ganacsiga soomaalida ayaa sare u kaca dadka badan oo magaaladda imanaya awgeed

Shalay ciyaaraha waxaa lagu furay Tiger’s Minnesota iyo Faynuus FC oo Minnesota ah ,waxaana 2 iyo hal ku guulaystay Faynuus FC oo sanadkaan ugu horeeyso ciyaaraha, waxaa kale wada ciyaaray Hilaac Ohio iyo Kooxda  Washington DC waxaa iyadana 5 iyo 2 ku guulaystay Hilaac Ohio.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]