4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Puntland oo soo bandhigtay mowqifkeeda shirarka shidaalka ee Soomaaliya



Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) –  Puntland ayaa markii u horreysay ka hadashay mowqifkeeda shirarka shidaalka ee Soomaaliya,iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda tamarta,macdanta iyo biyaha lagu sheegay inaysan jirin cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarka arrimaha shidaalka Soomaaliya.

"Cid alaale ciddii daneenaysa arrimahaasi waxay la soo xiriiri kartaa wasaaraddan". ayaa lagu yiri warsaaxafadeedka oo ku taariikheysan 14 bishan April.

Waxaa si toos ah qoraalkan loogu diray wasaaradda shidaalka ee heer federaalka iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biya Puntland ayaa qoraalkan soo saartay,iyadoo madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu horey uga dhawaajiyay in aysan jirin cid Puntland wakiil uga ah arrimaheeda gaarka ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysay muddooyinkii dambe sidii gobollada dalka looga saari lahaa khayradka,waxaa dadaalka lagu sheegay in dalka lagu gaarsiinayo marxalad isku filnaasho ah, balse caqabado horey loo fili karey ayaa soo muuqday.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]