4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Madaxweyne Biixi oo safarkii sadexaad ku tagay Imaaraadka Carabta

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarkan oo noqonaya kii saddexaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, waxaana socdaalkiisa ku wehelinayaa wasiir arimaha dibadda iyo wasiirka qorsheynta qaranka.

Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa usoo direy diyaarad khaas ah, waxaana ka saaka ka duuleen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

“Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey ujeedadda socdaalka madaxweynaha

Shirkada DP world ayaa maamusha dekadda Berbera, iyadoo ay ahayd inay muddo laba sanno ah ku balaadhiyo dekada ayaan wali u suurogalin inay shaqadii dhamaystirto, sidoo kale jidkii isku xidhayey Berbera iyo Walaale oo ay ahayd inay bilowdo ayaan wali la bilaabin, waxaana laga yaaba inay arrimahaasi ka wada hadlayaan

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.