3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Abiy Ahmed oo Wasiirro cusub magacaabay

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilal Wasiirro u magacabay shaqsiyaad ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo madaxweynayaal ka soo noqday qaar ka mid ah gobollada dalka Itoobiya.

Gedu Andargachew madaxweynihii hore ee Ismaamulka Gobolka Amxaarada ayuu Abiy Ahmed u magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya isaga oo badali doona Workneh Gebeyehu oo noqonaya madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi.

Waxaa kaloo Wasiirka gaashaandhiga dalka Itoobiya loo magacaabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii hore Ismaamulka Oromada.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhinaca kale wasiirka Horumarinta iyo Dhismaha loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo Eng. Aish Mohammed.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa durbaba ansixiyay Wasiirradda cusub ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/18/2019 12:01 PM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)- Shirka golaha wasirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixinno kale.

4/18/2019 11:39 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Ciidanka amaanka Somaliland ayaa goob laga dhisayo madaxtooyada cusub ka raray qoys deganaa, kuwaas oo sheegay in xoog looga saaray guryahoodii.

4/18/2019 11:31 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Waxaa maanta Xabsiga laga sii aayay Axmed nuur Sh Maxamed Saahid oo horey ugu xidhnaa magaalada Jigjiga, Axmed Nuur ayaa muddo bil ku dhaw ku xidhnaa Jigjiga.

4/18/2019 11:26 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Shirwaynihii Ururka ONLF uga socday Gobolka Qoraxay gaar ahaan magaalada Qabridahar.

4/18/2019 10:51 AM EST
Ciyaaraha Soomaalida ee Columbus oo sanad walba lagu qabto xiligan ayaa tartankii 19aad ka biloowday shalay magaaladda Columbus Ohio ee Mareykanka

4/18/2019 9:36 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Puntland ayaa markii u horreysay ka hadashay mowqifkeeda shirarka shidaalka ee Soomaaliya,iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda tamarta,macdanta iyo biyaha lagu sheegay inaysan jirin cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarka arrimaha shidaalka Soomaaliya.

4/18/2019 9:11 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB.

4/18/2019 8:27 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

4/18/2019 2:52 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey.

4/18/2019 1:26 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa geysay qeybo ka mid ah Isgoys-yada muhiimka ah magaalada Muqdisho ciidamo cusub oo ah kuwa rabshadaha ka hortaga oo maalintii shalay la soo bandhigay.

4/18/2019 12:43 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar xalay koox hubeysan ay ku qaadeen guri ku yaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey.

4/18/2019 12:26 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Iyadoo saacadihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay dibadbaxyo kacdoon Shacab ah oo la filayay in ay maanta ka dhacaan magaalada ayaa waxaa arintaa ka hadlay taliska Booliiska dowladda Soomaaliya.