4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Ciidanka Amniga Burco oo xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Coldoon

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey.

Sida wararku sheegayaan waaranka qabashada wariye Coldoona ayaa diyaar ahaa,isla markaana waxa lagu qabtay magaaladda, inkastoo isku dayey inuu ciidanka ka baxsado ugu dambayn waa la qabtay.

Coldoon ayaa marar badan sheegay in lala maagan yahay in la xidho, waxaanu waayadii u dambeeyey ku sugnaa deegaana Soomaalida Itoobiya oo uu cabsi awgeed halkaasi u joogay.

Sida wararka aanu ka helayno ciidanka amniga ayaa sheegaya inuu baryahan dambe hadal iyo qoraal ka dhan ah xukuumada ku weerari jirey, isla markaana bartiisa baraha bulshada uu ku leeyahay ku qori jirey taliska Muuse Biixi, taas oo xukuumaduna ay dhibsatay sababna u ah xadhigiisa sida ilo wareedka ka helayo xukuumaddu sheegayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.