3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Dowladda oo geysay qeybo ka mid ah Isgoysyada Muqdisho ciidamada ka hortaga rabshadaha

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa geysay qeybo ka mid ah Isgoys-yada muhiimka ah magaalada Muqdisho ciidamo cusub oo ah kuwa rabshadaha ka hortaga oo maalintii shalay la soo bandhigay.

Isgoysyadan lagu arkayo ayaa waxaa ka mid ah Dabka, Afarta Darjiino, Sanca,  Banaadir iyo Isgoys-yo kale oo waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa maalintii shalay soo bandhigtay ciidamadan oo sitay astaanta lagu garto ciidamada rabshadaha ka hortago, iyadoo siweyn loo hadal hayay dibadbax maanta lagu waday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Maagalada Muqdisho waqtigan kama jiraan wax dibadbaxyo ah, iyada oo dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u socdan, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah wariyeyaasheena oo soo maray degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

24kii saac ee la soo dhaafay waxaa siweyn u qabsaday baraha bulshada fariimo dadku isku gudbinayeen oo ay isugu baaqayaan in laga soo qeybgalo dibadbax weyn oo ka dhaca Muqdisho, waxaana arintan siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiinta dowladda, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah culimada oo ku tilmaamay dibadbaxa la qaban qaabinayo mid aan loo baahneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/18/2019 12:01 PM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)- Shirka golaha wasirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixinno kale.

4/18/2019 11:39 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Ciidanka amaanka Somaliland ayaa goob laga dhisayo madaxtooyada cusub ka raray qoys deganaa, kuwaas oo sheegay in xoog looga saaray guryahoodii.

4/18/2019 11:31 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Waxaa maanta Xabsiga laga sii aayay Axmed nuur Sh Maxamed Saahid oo horey ugu xidhnaa magaalada Jigjiga, Axmed Nuur ayaa muddo bil ku dhaw ku xidhnaa Jigjiga.

4/18/2019 11:26 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Shirwaynihii Ururka ONLF uga socday Gobolka Qoraxay gaar ahaan magaalada Qabridahar.

4/18/2019 10:51 AM EST
Ciyaaraha Soomaalida ee Columbus oo sanad walba lagu qabto xiligan ayaa tartankii 19aad ka biloowday shalay magaaladda Columbus Ohio ee Mareykanka

4/18/2019 9:36 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Puntland ayaa markii u horreysay ka hadashay mowqifkeeda shirarka shidaalka ee Soomaaliya,iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda tamarta,macdanta iyo biyaha lagu sheegay inaysan jirin cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarka arrimaha shidaalka Soomaaliya.

4/18/2019 9:11 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB.

4/18/2019 8:27 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

4/18/2019 4:46 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilal Wasiirro u magacabay shaqsiyaad ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo madaxweynayaal ka soo noqday qaar ka mid ah gobollada dalka Itoobiya.

4/18/2019 2:52 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey.

4/18/2019 12:43 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar xalay koox hubeysan ay ku qaadeen guri ku yaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey.

4/18/2019 12:26 AM EST
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL)–Iyadoo saacadihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay dibadbaxyo kacdoon Shacab ah oo la filayay in ay maanta ka dhacaan magaalada ayaa waxaa arintaa ka hadlay taliska Booliiska dowladda Soomaaliya.