4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Faah faahin ku saabsan weerar xalay lagu dilay Shan ruux oo shacab ah magaalada Muqdisho

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar xalay koox hubeysan ay ku qaadeen guri ku yaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey.

Inta og yahay dableyda weerarka ku qaaday Guriga ayaa dishay ilaa Shan Ruux oo waqtigaa ku caweynayay gudaha Gurigooda, iyadoo dadka dhintay oo intooda badan isku qoys ah oo uu ka mid ahaa ilo yar oo 5 sano jir ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Lix ruux oo Hooyadii guriga , waxaana ka baxsaday goobta dableydii weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa qoriga AK 47 ka.

Dadka la dilay ayeey wararku sheegayaan in ay qaraabo dhaw ahaayeen xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo dhinaca kalana ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Kaluumeysiga dowladda Soomaaliya, waxaana dadka la dilay ee weerarkan ku dhintay  ka mid ahaa nin adeer u ahaa wasiirka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Abshiroow islamarkaana lahaa guriga weerarka lagu soo qaaday sida uu warbaahinta u sheegay qof ka tirsan qoyska la laayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada dowladda oo gaaray xaafadda uu weerarkan ka dhacay ayaa halkaa ka bilaabay baaritaanno xoog leh, laakiin uma suurtagalin in ay gacanta ku dhigaan kooxda weerarka soo qaaday.

Dhacdadan ayaa argagax iyo walaac ku abuurtay dadka degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda uu falka ka dhacay oo aad ula yaabay in mar kaliya toogasho lagu dilo tiro intaa la eg oo shacab ah oo waliba qoys kaliya ka soo jeeda.

Arintan ayaa qeyb ka ah Ammaanka sii xamaanaya magaalada Muqdisho iyadoo maalintii shalay oo kaliya ay ka dhaceen magaalada labo qarax, kuwaa oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]