Jaaliyadda Ohio oo soo dhaweysay Eng Cali Jaamac Xuseen oo ah Musharaxa Madaxnimada Jubbaland
Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Xaflad lagu soo dhaweynayay
Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland 2019 Eng.Cali Jamac Xuseen ayaa lagu qabtay
mgaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka
Jaaliyadda Jubbaland ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo
buuxdhaafiyay halka xafladu ka socotay waxayna si weyn uga war sugayeen qudbada
Musharaxa iyo halka ay ku wajahantay
Qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin Culumada,
Dhalinyarada, Haweenka, Ardada, Odayaasha dhaqanka, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta
iyo dhinacyada jaaliyada ayaa qayb ka ahaa soo dhaweyntan, waxaana hadalo
kala duwan ka soo jeediyay dhamaan dadkii ka hadlay oo ku dhiirogaliyay
Musharax Cali Jaamac dadaalkiisa isbadal doonka ah.
Masuuliyiintii ka hadlay xaflada waxa ay muujiyeen
marxaladihi ay goboladda Jubbaland soo mareen, halka ay manta taaganyihin, iyo
halka la rabo in ay gaaraan iyaga oo kula dar daarmay musharaxa in uu marwalba
u adeego bulshadiisa Guul iyo Guul daraba
Musharax Eng. Cali Jaamac ayaa waxa uu balan qaaday
in uu la imaan doono isbadal dhab ah oo ka hana qaada Jubbaland gaar ahaan
arimaha Amaanka, Waxbarasharada, Sara u qaadista dhaqaalaha, dib u heshiisiin,
xariirka shacabka, la shaqeynta dowladda dhexe iyo qodobo kale oo muhiim ah
Waxa uu taabtay kalsooni darda ku kala dhex jirta
shacabka Jubbland iyo sida loogu kala qoqobay hab Beeleed siyaasadeysan oo
aysan jirin kalsooni ay dhamaan ugu qancan musharaxa guulaysta iyaga oo ka
eegaya halka uu ka soo jeedo, taasna waxa uu ku tilmaamay Guuldarada
siyaasadeed ee Jubbaland oo loo bahanyahay in la abuuro kalsooni shacab
Maamulka iminka Jira waxa uu ku amaanay in ay qabteen
howlo baddan isla markaana ay ka gaabiyeen howlo baddan oo kale
Musharaxa ayaa maalmihii u danbeeyay socdaalo kala duwan
ku kala bixiyay qaar ka mid ah goboladda dalkan Mareykanka oo u kula kulmay
Jaliyadda dibada ee goboladda Jubbland.
Dhawaan ayaana la filayaa in uu dalka dib ugu laabto si
uu u sii wato howlihiisa ku aadan ka qeybgalka doorashada Jubbaland ee 2019.