Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Waxaa si rasmi ah u furmay shir-waynihii 10aad ee Xisbiga
Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, shirwaynahan ayaa waxaa ka soo qayb
galay dhammaan xubnaha Xisbiga, Odayaasha degaanka iyo waxgaradka, iyo sidoo
kale xubno ka socday xisbiyada deegaamada dalka.
Haddaba Shirwaynahan ayaa waxaa
furay Gudoomiyaha XDSHSI Axmed Shide wuxuuna ka hadlay wax qabadkii xisbiga
mudadii uu talada degaanka hayay iyo dhaliishii uu lahaa waa siduu hadalka u
dhigay guddoomiyuhu.
Geesta kale waxaa hadalo
shir-waynahan kasoo jeediyayay xubnihii ka socday deegaanada dalka iyo sidoo kale
martidii ka kala timid dalalka dariska ah.
Inta shirkan uu socdo ayaa waxaa
lagu dooran doonaa xubnaha guddiga fulinta iyo sidoo kale Gole dhexe, sidoo
kale waxaa shirwaynahan lagu badali doonaa Astaanta Xisbiga iyo magaca Xisbiga
wuxuuna socon doonaa muddo 3 maalmood ah.
Xisbigan ayaa guud ahaan dib u
habayn lagu samaynayaa inta uu shirku socdo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]