4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Xildhibaan Qoono oo eedeyn u jeediyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraahim Qoono oo xiriir la soo sameeyay Hiiraan Online ayaa si adag uga hadlay dil iyo barakacin sida uu hadalka u dhigay lagu hayo qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Nasteexo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Bashiir mas’uul ka yihiin weerarka ka dhanka ah qoysas muddo ka dhawaad 30 sano ku noolaa xaafadda Nasteexo gaar ahaan Siliggii hore Ameericaan-ka oo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

‘’Annaga ma garaneyno danta laga leeyahay qoysaskaas, waxaad moodaa in dad gaar ah la bartilmaameedsanayo, waxaana ka danbeeya oo ka mas’uul ah ooo gadaal ka riixaya Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sabab gaar ah oo dadkaa loo bartilmaameed-sanayo ma sheegi karno, waayo Muqdisho waa la wada deggan yahay, meel xarunta Baarlamaanka wax yar u jirta ayeey qoysas degan yihiin, sidaa daraadeed waxa dadkaa degan Wadajir duulaanka loogu yahay waxaan jawaabteeda ka rabnaa dowladda, xaq ayeey –nu u leenahay in aynu arintan ka hadalno waayo waxey-nu nahay xildhibaanno Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii Baarlamaanka ku matalayay dadkaa dhibaatada lagu hayo dilka iyo barakicintana ley-sugu daray ’’ ayuu yiri xildhibaan Qoono.

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay in arintan aysan aheyn mid hadda bilaabatay laakiin muddo dheer-ba soo jiitameysay, waxaana uu intaa ku daray in weerarkan oo loo adeegsanayo ciidamo ka tirsan dowladda lagu dilay dad rayid ah tiro kale-na lagu dhaawaacay.

‘’Dadkan waxaa leysugu daray in la dilo, la barakiciyo, hantidooda-na la burburiyo, arintanna waxaa ay soo soctay muddo Sanad ah, cid ka tirsan dowladda oo illaa iyo hadda ka hadashay ma jirto, waxa la adeegsanayo oo dhibaatada intaa la eg geysnayana waa ciidamada dowladda, waxaan ugu baaqayaaa xildhibaannada baarlamaanka, guddiyada Cadaallada, Maxkamadaha iyo guud ahaanba laamaha kala duwan ee dowladda in arintan la soo fara-galiyo, si looga digtoonaado cawaaqib kale oo ka dhasha’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Dadka ku dhaqan xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ayaa dhowr jeer oo hore dhiggay dibadbaxyo ay uga cabanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyaga oo fariintooda u diray madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ay ka dalbadeen in wax laga qabto ciidamada dowladda iyo barakicinta lagu hayo intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]