Axad, October, 21, 2018 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga
mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyey
in aanu dalka hogaamin Karin, isla markaana ku baaqay hadii uu xal ka gaadhi
waayo khilaafka guddida doorashooyinka ay shir tallo qaran la iskugu iman
doonno.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay
arrimaha la isku hayo ay waajib ku tahay madaxweynuhu inuu xaliyo, isagoo ku
dhaliilay in garnaqsi iyo yooyootan uu rabo balse aanu diyaar u ahayn inuu
xaliyo muranadda jira.
“Waxay u eegtahay inaanu Muuse Biixi u
diyaar ahayn inuu wax xaliyo ee uu ka jecel yahay in la garamo oo la yooyootamo
oo ah dhaqan uu ku soo noolaa toddoba iyo labaatankii sanadood ee uu mucaarad
ahaa, shalaytoole khudbadiisii waxay ahayd mid dadka sii kala fogaynaysey”ayuu
yidhi Faysal Cali Waraabe oo naqdiyey khudbadii shalay ee madaxweynaha.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharcinimadii
ay ku ogolaadeen inuu madaxweyne yahay uu shaki galinayo madaxweynuhu,
waxaanu yidhi “ Tii aanu ugu ogolayn inuu madaxweyne yahay ee noogu yeedhay ee
nagu casuumay inuu maanta su’aal galiyo oo uu yidhaahdo maxkamad ha la tago aad
baan uga xumahay, ku eegi mayno inuu dalka burburiyo oo waxaanu marin
sharciyadda xil ka xayuubin shir qarana waa la iskugu iman”.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa
sheegay in wakhtigii uu Daahir Rayaale joogay oo ay ka dalbadeen in la kala
diro komishanka doorashooyinka uu ogolaaday oo uu kala direy, waxaanu ku baaqay
inuu nidaamkii hore raaco oo dhibaatooyinka jira uu xaliyo hadii kale laga
tashan doonno hogaaminta madaxweyne Biixi.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay sheegay in
aanu awood u lahayn inuu kala diro Komishanka doorashooyinka, waana arrinta uu
maanta Faysal ka jawaabayo.
Xisbiga mucaaradka ah ee WADADNI ayaa isagu
dalbaday in la kala diro guddida doorashooyinka, halka xisbiga UCID na soo
jeediyey in laba xubnood oo dheeraad ah loogu daro guddida doorashooyinka,
haseyeeshee labada soo jeedin ayaa keentay in la isku mari waayo madaxweynuhuna
ka gaws qabsado labada soojeedimeed ee mucaaradku dalbaday.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.