Hiiraan Online
4/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Labo qof oo lagu dhaawacay Muqdisho
Axad, October, 21, 2018 (HOL)– Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen dablay ku hubeysan bastoolado meel aan sida uga fogeyn saldhigga booliska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Hay'adaha amniga ma aysan soo bandhigin xog ku saabsan weerarka iyo dadka ku dhaawacmey, sidoo kale waxaa markiiba goobta ka baxsaday kooxda weerarka fuliyay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Ciidanka booliska oo goobta gaaray ayaa baaritaan sameeyay,balse ma jirto cid wali loo soo qabtay weerarka.
Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro ay geysanayaan kooxo hubaysan ,kuwaas oo mararka qaar weerarrada ay fuliyaan ay dad ku dhintaan.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]