4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2018
Shaki laga muujinayo sida Sacuudigu u dhigay dilka Wariye Jamaal Khashoggi

 

Axad, October, 21, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya shaki durbaba qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedku ka muujinayaan fasiraad Boqortooyada Sacuudiga ay ka bixisay habka uu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi .

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan su'aalo badan oo aan wali laga jawaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa dalbadan in al sameeyo baaritaan buuxa.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhankeeda sheegtay in bayaanka Sacuudiga uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo looga baahan yahay in dilka saxafiga ay faafaahin ka bixiyaan.

Balse qaar ka mid ah dowladaha Carabta ee saaxibada dhaw la ah boqortooyada Sacuudiga ayaa war ay soo saareen waxaa ay taageero ugu muujiyeen dowladda Sacuudiga.

Dhanka kale saraakiisha Turkiga ayaa waxay wacad ku mareen in ay soo bandhigi doonaan faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]