4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Xaaf: Shirka Garoowe waxa uu noqon doonaa kii Soomaaliya lagu badbaadin lahaa

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–  Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta socdaal dhinaca lugta ah ku gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay shirka hoggaamiyayaasha uga furmaya Garoowe inay ka soo bixi doonan qodobbo dan u ah Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Galmudug oo cadaadis kala kulmaya qaar ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee maamulka oo maanta Cadaado ku doortay madaxweyne kale, ayaa inta ku daray in madaxda dowlad-gobolleedyada ay mar walba diirrada saarayaan sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Soomaaliya.

"Insha allah shirka Garoowe wuxuu noqon doonaa kii Soomaaliya lagu badbaadin lahaa." ayuu yiri Xaaf.

Kulanka afaraad ee madasha dowlad-gobolleedyada ayaa lagu ballamay Axadda berri ah inuu ka furmo magaalada Garoowe,iyadoo halkaas ay ku suganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland,Koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]