4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2018
Garoowe: Ciidan gadoodsan oo xirey waddada madaxtooyadda

Sabti, October, 20, 2018 (HOL)– Ciidan gadoodsan ayaa xiray waddada aada xarunta madaxtooyada Puntland iyo xarumaha wasaaradaha ee duleedka magaalada Garoowe, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha saacadihii hore ee Sabtida.

Ciidamadda oo aan tiradooda la sheegay waxaa la sheegay inay ka cabanayaan mushaar la'aan , waxaana ay gadiidka iyo dadweynahaba ka hor istaageen inay gaaran xarunta madaxtooyadda iyo dhismayaasha wasaaradaha.

" Muddo toddobo bilood ah wax mushaar ah ma aanan qaadan, dowladdana dhowr mar cabashadeenna waan u gudbinaya jawaab aan ka helnayna wali ma jirto." ayuu yiri askari ka tirsan ciidanka gadooday.

Gadoodka ay ciidanku sameeyeen ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay shaqooyinka ka socday xafiisyada loo maro waddooyinka ay ciidanku xireen, warar kale ayaa sheegaya inuu socdo dadaallo lagu doonayo ciidamadda inay dib u furo waddooyinka xiran.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr mar oo hore gadood sameeyay,iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan, inkasto dowladda ay diiddo inan mushaar la-siin ciidanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]