Sabti, October, 20, 2018 (HOL)–Dowladda
Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii shaacisay dilka wariye Jamaal Khashoggi, hasse
ahaatee Boqortooyada ayaa sheegtay in uu ku dhintay dagaal dhaxmaray isaga iyo
dad ku sugnaa gudaha Qusuliyadooda magaalada Istanbul, laakiin dowladda Saudi
Arabia ma aysan sheegin halka uu ku danbeeyay meydkiisa.
Wakaalada Wararka Saudi Arabia
ayaa sheegtay in dagaalka uu ka bilaawday gudaha Qunsuliyada wax yar uu kaddib
markii uu gudaha u galay isaga oo u socday in uu helo warqado nikaax, wakaaladda wararka ee SPA ayaa sidaas
sheegtay.
‘’Dood dhaxmartay isaga iyo dad kale gudaha Qunsuliyada dagaal ka dhashay kaddib ayaa keentay in uu
halkaa ku dhintay, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boqortooyada.
Arintan ayaa la sheegay in loo
xiray 18 ruux, waxaa sidoo kale shaqada laga eryay madaxii sirdoonka
Boqortooyada Axmed al-Asiri
sida lagu sheegay bayaanka.
Wariyaha ayaa la waayay 2dii
bishan October kaddib markii uu galay gudaha Qunsuliyada Saudi Arabia ee
magaalada Istanbul isaga oo u socday in uu helo warqado ama Dukumiintiyo la
xiriiray guurkiisa.
Lama oga sida uu caalamku uga
fal celin doono bayaanka ka soo baxay dowladda Sacuudiga eeku saabsan in wariye
Jamaal ku dhintay dagaal ama gacan ka hadal ka dhax dhacay gudaha Qunsuliyada,
inkastoo dhinaca kale la leeyahay dilkiisu waxaa uu ahaa mid qorsheysan oo laga
shaqeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]