Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Xukuumadda
Washington ayaa shaaca ka qaadday in ay albaabbada isugu dhufaneyso
qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus, taasoo ka shaqeyneysay
arrimaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee howlaheeda loo weecin doono
safaaraddooda cusub ee magaalada Qudus, sida uu ku dhawaaqay xog hayaha
Arrimaha Dibedda.
Mike
Pompeo ayaa sheegay in go’aankan ay horseedeen sababo la taaban karo isla
markaana uusan waxba u dhimeynin siyaasadda Mareykanka ee magaalada Qudus,
Daanta galbeed iyo Marinka Qasa.
Masuuliyiinta
maamulka Falastiin ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabadan,Sarkaal sare oo lagu
magacaabo Saeb Erekat ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu ka
shaqeynayo sidii “loo weyny lahaa Israa’iil” halkii laga shaqeyn lahaa in la
dhiso labo dal oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin, taasoo uu sheegay inuu xalka
ku jiro.
Israa’iil
ayaa magaalada Qudus u aragta iney tahay caasimaddeeda “aan gorgortanka galin”
halka Falastiiniyiintuna ay aaminsanyihiin in Qudus ay tahay caasimaddooda
mustaqbalka oo hadda “xoog looga heysto”.
Israa’iil
ayaa Bariga Qudus kula wareegtay dagaalkii gobolka bariga dhexe ee dhacay
sannadkii 1967-kii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]