Go'aamo Amaanka la xiriira oo looga dhawaaqay Laascaanood

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) – Waxaa magaalada Laascaanood laga soo
saaray go'aano cusub oo xadadaya qaab nololeedkii hore ee Bulshda, una muuqatay
in ay amaanka wax ka tari karto.
Go'aanmadan oo ay soo saareen gudiga
golayaasha xukuumada oo uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka Baashe Maxamed oo
maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Qodobada la soo saaray ayaa waxaa ka
mid ahaa, in aan wax hub ah lala mari karin magaalada laascaanood marka laga
reebo ciidanka Booliska. in aan la qaban karin wax shir ah iyadoo aan loo
qaadan wax fasax ah iyo warsaxaafadeed, waxaa la mamnuucay gawaadhida aan wadan
taargada Somaliland, iyo qodobo kale oo ay doorbideen in ay wax ka tarayso
Amaanka gobolka iyadoo xiisad colaadeed oo ka taagan Tukaraq ay saamayn ku
yeelatay.
Go'aamadan ayaa waxay soo bexeen ka
dib markii maalmihii la soo dhaafay si xoog ah u bateen odayaal si cad u
taageera colaada Puntland kana soo horjeesta Somaliland, waxaana maaliba
maalinta ka danbaysa sii kordhaya xiisada colaadeed ee u dhexaysa labada dhinac.
Seynab Cabdi Warsame
seynab@hiiraan.com
Laascaanood