4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2018
Paraguay oo safaarad ka furatay Quddus

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dalka Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Madaxweyne Horacio Cartes ayaa xafladdii furitaanka ka sheegay in go’anka saafaraddooda looga soo raray Tel Aviv, loona keenay Qudus, ay tahay “mid Taraiikhi ah”, oo xoojineysa xiriirka Paraguay iyo Israel.

Ra’iisul wasaraaha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey go’aanka Paraguay.

Toddobaadkii tagey, dowladda Mareykanka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee safaaraddeeda Israel usoo rarta Qudus, ayada oo fulisay ballan-qaad uu ololaha doorasho ku sameeyey madaxweyne Trump, hasse ahaatee laba maalmood kaddib Guatemala ayaa safaaraddeedii Tel Aviv u rartay Qudus.

Falastiiniyiinta ayaa si xooggan u cambareeyey tallaabooyinkan. waxaa ay sheegeen in Bariga Qudus ay tahay caasimadda dalka mustabalka ee Falastiin, hasse ahaatee Israel ayaa u aragta Qudus, oo aan kala qeybsaneyn caasimadeedda.

VOA