3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Wabiga oo ku Fatahay Buundada degmada Buula-burte

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle bilaabay in uu karkaarada jabsado, isaga oo biyo badan dibeda u soo saaray kuwaa ka sare maray Buundada degmada.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa hadda wajahaya fatahaad iyo daadad ka dhasha Wabiga Shabeelle oo buux –dhaafay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay fatahaadan degmada Buula-burte.

Jidadka gala degmada ayaa markii horeba iska ahaa kuwo xiran oo ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab, halka Buundadu u aheyd bulshada reer Buula-burte marin muhiim ah oo u sahlayay isku xirka qeybaha kale ee gobolka iyo guud ahaan dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/21/2018 3:36 PM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ( Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

5/21/2018 12:34 PM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Xukuumadda Somalilad ayaa ka hadashay kharaasha ka dhashay Roobabkii dabaylaha watay ee ka dhacay goboladda qaarkood, kuwaas oo u badnaa goboladda Awdal, Selel, iyo Saaxil.

5/21/2018 9:28 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa wada jir u dalbaday lacag dhan $ 80 million oo dollar si wax looga qabto xaalada bani’aadannimo ee ka dhalatay daadadka, roobabka iyo duufaannada wada socda ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

5/21/2018 8:17 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Dalka Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

5/21/2018 3:21 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka furmo shirka Shaqada Aduunka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda ILO, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka dowladda Soomaaliya ay u maamushay wafdiga uga qeybgali doona shirka dhinaca Soomaaliya.

5/21/2018 1:53 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa oggolaatay in badeecooyin dheeraad ah ay ka soo dhoofsato Mareykanka, tallaabadaasi oo xukuumadda Washington ay u aragto inay hoos u dhigeyso farqiga ganacsi ee kala dhaxeeya Shiinaha oo gaaraya sadex boqol sodon iyo shan bilyan oo doolar.

5/21/2018 12:46 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo magaaabay guddoomiye cusub.

5/21/2018 12:04 AM EST
Isniin, May,21,2018 (HOL)–Ra’iisaal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyayaasha ciidamada ayaa kormeeray dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada Muqdisho.