4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Dagaalkii ganacsiga Shiinaha iyo Mareykanka oo qaboobaya

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa oggolaatay in badeecooyin dheeraad ah ay ka soo dhoofsato Mareykanka, tallaabadaasi oo xukuumadda Washington ay u aragto inay hoos u dhigeyso farqiga ganacsi ee kala dhaxeeya Shiinaha oo gaaraya sadex boqol sodon iyo shan bilyan oo doolar.

"Labada dhinac ba waxaa ay ku heshiiyeen sare u qaadida wax soo saarka beeraha iyo tamarta Mareykanka ee loo dhoofiyo dibedda" waxaa sidaasi lagu sheegay war qoraal ah oo ay si wadajir usoo saareen labada dal.

Inkastoo labada dhinac aysan si fahfaahinin heshiiska, hadana waxaa suurtagal ah inuu sii xoogeysto dagaalka dhanka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka.

Dalalkan ayaa sidoo kale ku heeshiiyay in si qottodheer looga sii wadahadlo alaabaha Shiinaha uu ka soo iibsan doono Mareykanka, oo ay kamid yihiin wax soo saarka beeraha iyo tamarta.

Labada dal ma aysan soo hadal qaadin waxa laga yeelayo canshuurta dheeraadka ah oo dal walba uu kusoo rogay badeecooyinka uu ka soo dhoofsado dalka kale.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa canshuur dheeraad ah kusoo rogay badeecooyinka mid walba uu ka soo dhoofsado midka kale, kadib markii Mareykanka uu horay ugu soo rogay canshuur dheeraad ah alaabaha laga keeno Shiinaha, taasi oo ka careysiisay Mareykanka, keentay na in Shiinaha uu isna canshuur dheerad ah kusoo rogo alaabaha uu ka soo dhoofsado Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in canshuur dhan boqol iyo konton bilyan oo doolar uu kusoo rogi doono badeecadaha laga keeno Shiinaha.

Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ula jeedada laga leeyahay arrintaasi ay tahay in lasoo afjaro waxa uu ku tilmaamay hantida Shiinaha uu ka xado Mareykanka oo uu sheegay inay kamid tahay teknoljiyadda iyo xuquuqda lahaanshaha.

Badeecooyinka uu canshuurah kusoo rogay Mareykanka ayaa waxaa kamid ah qalinka iyo naxaasta.

Hasayeshee dowladda Shiinaha oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka ayaa iyaduna ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto Mareykanka, oo ay canshuur dheeraad ah kusoo rogi doonto alaabaha Mareykanka uu usoo dhoofiyo Shiinaha oo ay kamid yihiin diyaaradaha, baabuurta, hilibka doofaarka iyo khamriga.

Maqaal lagu daabacay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa lagu sheegay in heshiiskan labada dhinac ay gaareen uu tusaale u yahay guul, ayna Mareykanka ka caawineyso inuu yareeyo farqiga ganacsi ee kala dhaxeeyo Shiinaha, halka Shiinaha na ay ka caawineyso inuu sare u qaado tayada alaabaha uu soo dhoofsado.\

BBC