4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Kheyre oo booqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho

 

Isniiin,May, 21, 2018 (HOL)–Ra’iisaal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyayaasha ciidamada ayaa kormeeray dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada Muqdisho.

Ilaa 6 ruux ayaa ku dhimatay roobabkan 24kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw, sidoo kalana waxaa ku guryo beellay boqolaal qoysas ah oo u badnaa dadka danyarta ah ee ku nool xaafaddaha magaalada.

Ra’iisal wasaaraha oo xog –wareystay dadkan oo u badnaa haween iyo carruur ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la dardar-galiyo gargaarka iyo gurmadka loo fidinayo qoysaskan oo meel cidlo ah ku soo dhacay.

Waxaa kaloo uu ra’iisal wasaaruhu kormeeray jidadka Muqdisho qaarkood oo ay roobabku bur buriyeen iyo meelaha biyo fariisinka ah ee sababay in isku socodka magaaladu uu kala go’o.

Ra’iisul wasaaraha Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ku kala nool magaalada iyo gobolada qaar ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]