Arbaco, May, 16, 2018 (HOL) – Shirweynaha Qaran ee
Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee
kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee
Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada
xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir,
Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda,
Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba,
Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal
Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.
• Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u
helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa :
• Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee
dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;
• Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta
oo ku dhisan Dastuurka :
• Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;
• Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb
galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol :
• Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo
gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo
jiro dib-u-eegista Dastuurka:
Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:
1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka
2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista
dastuurka
3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada
dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay
4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah
5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya
6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii
loo sii ambaqaadi lahaa
Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay
ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha
dib-u-eegista dastuurka;
Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo
Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo
hortabinnada soo socda:
a)
INTA LAGU GUDO JIRO 2018:-
I.
Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee
dastuurka;
II. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo,
sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;
III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis
Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.
IV. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka
iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo
b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la
ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan
qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;
Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u
noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:
1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista
dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.
2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa
ugu danbayn Diseembar 2019.
3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad
uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.
4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista
Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad
Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.
5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu
noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:
• In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada
dib-u-eegista Dastuurka;
• In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna
hogaaminayaan :
• In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen
ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si
ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.
Bogaadin:
Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u
jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa
taageerada beesha caalamka.
Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran
ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada
hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo
dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]