Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida Mareykanka oo ka furmay Columbus Ohio
Khamiis ,Maarso, 29, 2018 (HOL) – Ciyaaraha xagaaga ee
sanadwalba lagu qabto Columbus ayaa sanadkii 18aad ka furmay magaaladda
Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.
Furitaanka ciyaarahan ee
sanadkan 2018 waxaa xaflad furitaan ah loogu sameeyay gudaha Garoonka oo ay
ciyaartu ka bilaabanayso manta oo Khamiis ah 03/29/18 waxaa ka soo qeyb galay
qaar kamid ah abaabulayaasha koobka xagaaga,Deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku
bixiya koobkan sanad walba, Ciyaartooy, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ciyaarahan oo ay kooxo
baddan sanadwalba ka soo qeybgalaan waxaa ay kooxuhu ka kala yimaadaan
goboladda Mareykanka iyo Canada, waxaana dhex mara tartan aad u xiiso baddan oo
koox walba ku muujinayso qibradeeda ciyaar.
Bashiir Geelle oo ah
Madaxa barnaamijkan Columbus Indoor Soccer Cup oo ka hadlay furitaanka ayaa ku
dhawaaqy in ciyaaraha ay furmeen manta oo khamiis ah ayna socon doonaan ilaa
iyo maalinimada Axada ee nagu soo aadan, isaga oo ka codsaday Kooxaha kala
duwan ee ka yimid goboladda in ay muujiyaan Aadaab, Ixtiraam iyo Ciyaar wanaag
taas oo ay ku mutaysan doonaan abaalmarin iyo bilado.
Flickinger
Legal Group oo ah labo nin oo looyaro ah ayaa sanad walba ka qeyb qaata dhiira
galinta dhalinyarada isla markaana ka gaysta taageero buuxda, waxayna inta
badan marwalba garab taaganyihiin Kooxda ka socota Columbus Ohio oo ay ku
dhiirogaliyaan in ay muujiyaan ciyaar wanaag.
Sahid
Ali oo ah aqoonyahan wax baddan la shaqeeyay ciyaarahan ayaa dhankiisa
dhalinyarada ku dhiirogaliyay ahmiyada ciyaaraha iyo in ay ogaadaan in
dalkoodii hooyo in ay u ciyaaraan laga sugayo.
Macalin
Qarindi oo ah tababarihii Koobka u soo hooyay Jubbaland ciyaarihii u danbeeyay
ee goboladda Soomaalia ayaa dhankiisa ka sheekeeyay waxii uu ku soo arkay
Somalia iyo sida loogu bahanyahay in la helo kooxo aad u dhisan oo la ciyaara
kooxaha ku sugan Soomaaliya si loo helo awood ciyaartooy oo dalka matali karta
mustaqbalka.
Fanaanka
Caankaa Ahmed Rasta ayaa dhankiisa dhalinyarada ku guubaabiyay ciyaaraha iyo in
ay muhiim u yihiin ciyaarahan dhalinyarada qurbaha joogta si ay uga nabadgalaan
dhibaatooyinka mustaqbalka haleeya.
Ismacil
Mohamed oo ah Musharax xildhibaan oo u ordaya xaafada 25 ee magaalada Columbus
ayaa ugu hanbalyeeyay dhalinyarada ka shaqeeysa sanad walba qabashada
ciyaarahan isaga oo dhanka kale Soomaalida Columbus ka codsaday in ay soo
baxaan oo ay codkooda siiyaan si uu bari u garab istaago Jaaliyadda oo hadii ay
xubin ku yeeshaan baarlamaka heli doona xaquuq imina ka maqan.
Ciyaarahan
oo sanadkii 18aad la qabanayo waxay abuuraan is dhexgal bulsho iyo isku imaatin
saaxiibo xiliyo aan is arkin waxayna dhiirogalin u noqotaa dhalinta jecel
Sportska oo ka hela waqti ay ku muujiyaan awoodooda ciyaareed.
Deeqo
Shire (SONNA)