Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa ka
jeediyey labada gole Baarlamaan (Guurtidda iyo Wakiiladda), waxaanu khudbadiisa
xooga saaray Amniga, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha,
arrimaha Bulshadda, maamul wanaaga iyo maamul daadajinta, Garsoorka iyo cadaaladda,
abaaraha isbedelka cimiladda, doorashooyinka iyo warbaahinta.
Madaxweynuhu wuxu sheegay in boqokii cesho u
horeeyey oo shalay ku beegnayd ay u suuro-galeen wax-yaalo badan oo uu ka
tilmaamay in uu hagaajiyey nidaamka maamul iyo haygalkii dawladnimo, dardar-galinta
Heshiiska Dekedda Berbera, oo saamayn weyn ku yeellan doona dhaqaalaha iyo
ganacsiga Somaliland.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey kufsiga sii
badanaya waxa uu yidhi “ Sannadkii 2017-kii oo kaliya waxa dalka ka dhacay 80
Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta
dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garata ah. Waxaynu
ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u-tirtiri lahayn..”
Mar uu ka hadlayey xidhiidhka uu la sameeyey
dalalka jaarka waxa uu yidhi “Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo
xidhiidhkeena dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo dhaqan-dhaqaale.
Waxa kale oo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey
shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu
uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta
lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii.”
“Dawladda Imaaraadka Carabta, Madaxdooda iyo
shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab
taageen shacbiga Somaliland. Iyaga oo warbaahintoodu gaadhsiisey
Caalamka oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda,
dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo.”ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayey wada hadaladda Somaliland iyo
Soomaaliya waxa uu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya oo markii
hore la qorsheeyey iney bilaabmaan 19-kii March, 2018, waanu joojiney, sababta
oo ah Xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey Qarannimaddeena.
Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo
qaaday, sharciyan Caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay
dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud waxa doortay wufuud ka kala socotay afar
Maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed.
Somaliland, ilaa 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kuma lahayn,
caalamkuna wuu og-yahay.”.
Sidoo kale waxa uu sheegay in miisaanida sanadkan
ay noqon doono mid horumarka ka turjuntay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu
yidhi “Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu
xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula
lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka
lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa
dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada
ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.
Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa
darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si
aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la
helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga
faa'iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal
qadhaadh iyo iskaashi.
Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays
wayn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u
magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen
aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragney inay wax ka
bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Fulinta go’aammadaasi waxay bilaabmeen
13-kii March, 2018.
Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo,
waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka
soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan
oo electronic ah u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd
daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantey, waxaan go’aaminey inay arrintaasi
xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha
suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu
garab galay.”.
Mar kale isagoo ka hadlaya codsigii uga yimid
xisbiga WADANI ee uu kalsoonidii kala noqday komishanka Doorashooyinka waxa uu
yidhi “ Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah
codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku
duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii.
KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo
Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo
xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa
ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay
KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii
Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.
Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka
fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka
doorashooyinka..”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.