Baarlamaanka Reer Yurub oo bilaabay in uu ka hadlo xadgudubyada iyo dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Baarlamaanka reer Yurub ayaa shalay waxaa ay
dhageysteen warbixin iyo marag fur ku aadan xadgudubyada ka dhan ah xuquuqul
insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto suxufiyiinta
Soomaaliyeed, xoriyatul qowlka, iyo xoriyada in muwaadiniinta sameystan ururo
madax-banaan isla markaana ay u shiri karaan si xor ah oo aan laga hor
istaagin.
Guddiga
u qaabilsan arrimaha dibadda baarlamaanka reer Yurub oo sidoo kale eega
arrimaha xuquuqul insaanka ayaa casumaad u fidiyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ
Cumar Faaruuq Cusmaan iyo madax kale oo ka socoto ururka suxufiyiinta adduunka
ee IFJ iyo ururka caalamiga ah ee ururada shaqaalaha ee ITUC.
Mudanayaasha
baarlamaanka reer Yurub oo ay u hadashay xildhibaan Alex Mayer ayaa aad uga careysan xadgudbyada aan
joogsiga laheyn iyo isla xisaabtan la’aanta ee ku dhacaya suxufiyiinta
Soomaaliyeed gaar ahaan xubnahana iyo hogaanka sare ee ururka NUSOJ.
"Soomaaliya
waa meesha ugu khatarta badan ee Afrika oo ay ururada shaqaalaha ka shaqo
galaan. Dhagaysiga maanta waxaan maqalnay weerarrada ku saabsan ururada
shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadka u ol-oleeya, cabsigelinta loo adeegsanayo
nidaam dowli ah iyo isku-dayyada nolosha hoggaamiyeyaashooda. Waxaan u diraynaa
hiilo iyo taageero. Maadaama aan nahay xildhibaanno waa in aynu hubinaa in
cadaadis lagu saaray xukuumadda Soomaaliya in ay u hoggaansanto waajibaadkeeda
ka saran go’aanada kasoo baxay ILO iyo in dadaal dheeri ah la sii wado oo ku
saabsan in taageerada Midowga Yurub ee bulshada rayidka ah la siiyo ururada
madaxbanaan ee aan la taageerin kuwa been abuurka ah” ayay tiri Alex Mayer.
Cumar
Faaruuq Cusmaan, Xoghyaha Guud ee NUSOJ ayaa sawir waafi ah ka bixiyay
dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta sida dilka, xariga sharci darada ah,
xeritaanka xarumaha warbaahinta, cagajugleynta iyo handadaada aan kala joogsiga
laheyn.
“In
kastoo weerarada khatarka leh ee loo dhinto ay ku bilowdeen suxufiyiinta ka hor
inta aan dowlada federaalka la dhisin, balse suxufiyiinta waxaa lagu soo qaaday
weerar cusub oo hay’adaha dowlada qaarkood ay ku doonayaan in ay ku milkiyaan
kulana wareegaan codka kaliya ee matala, difaaca, una dooda suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ah Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Si ay hadafkaan u gaaraan waxay la
dagaalamayaan madax-banaanida ururka, waxay soo qaadeen ol-ole ay ku doonayaan
in ay ururka ugu dhigaan mid sharci daro ah, waxay hor istaag ku sameynayaan in
ururka si xor ah u shaqeeyo, waxayna intaas oo dhami u beegsanayaan ururka u
istaagida uu u istaagay difaacitaanka suxufiyiinta xubnaha ka ah” ayuu Cumar
Faaruuq ku yiri xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Yurub.
Warbixinta
Cumar Faaruuq waxaa sidoo kale lagu sheegay in xadgudubyada loo geysanayo
suxufiyiinta iyo ururkooda ay soo maleegeen masuuliyiin ay ku jiraan wasiiro.
“Waxaan shaki ku jirin in NUSOJ ay noqotay gaashaanka ay suxufiyiintu isku
difaacaan iyo dadka kale ee ka shaqeeya saxaafada. “Madaxda sare ee dalka waxba
kama oga xadgudubyada ay geysanayaan wasiirada iyo kuwa ka hooseeya, waxa aan u
baahan nahay waa in madaxda sare wax ka qabato gabood falada ay geysanayaan
kuwa hadda ku jira ee xilalka ka haya maamulkooda”.
Cumar
Faaruuq waxaa uu sheegay in ay talaabo wanaagsan oo ay Xukuumada qaaday tahay
in si lagu kalsoonaan karo lasoo dhameystiray guddiga qaran ee xuquuqul
insaanka ee madaxa-banaan si xal loogu helo xadgudubyada aan xisaabta laheyn ee
ka dhaca dalka.
Jeremy
Dear, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ, ayaa
muujiyay walaac ku aadan in dowladda ku mashquulsan tahay xiritaanka,
cabsigelinta iyo xayiraadaha dhaqdhaqaaqa hogaamiyaasha NUSOJ.
"Soomaaliya
waa waddanka ugu khatarta badan saxafiyiinta ku nool dalalka Afrika ee saxaraha
ka hoose. In ka badan 70 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya 7 sano guddahooda.
Inta badan kuwan waa dilal bartilmaameedsan. Ciqaab la’aanta dambiyan waa mid
gaartay heer aan la maleyn karin. Hase yeeshee, halkii ay beegsan lahayd
dilayaasha, dadka dowlada ku jira waxay bartilmaameed sadeen kuwa u hadlaya
suxufiyiinta iyo xuquuqda aadanaha. Cabsigelinta iyo aargoosiga ka dhanka ah
NUSOJ iyo hoggaankoodu waa in la joojiyaa" ayuu yiri Jeremy Dear.
Wakiilka
ururka ITUC ee dhageysigan ka hadlay, Paapa Danquah, ayaa tibaaxay in ururka midowga reer yurub
looga baahan yahay in ay xooga saaraan sidii Soomaaliya ay u gudan laheyn
waajibaadkeeda ka saaran fulinta shuruucda caalamiga ah gaar ahaan g’aanada
kasoo baxay Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ILO iyo dhowrista xuquuqul insaanka.
Waxaa
uu Paapa Danquah timaamay in loo baahan yahay
in la muujiyo isku xirnaanta, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aadan deeqaha
ay midowga reer yurub bixiyaan oo ay tahay in ay ku saleysan yihiin dhowrista
iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka sida cahdiyada ILO.
Baarlamaanka
Reer Yurub ayaa durbo bilaabay in uu tilaabo ka qaado xadgudubyada xuquuqul
insaanka ee ka dhaca Soomaaliya taasoo ah markii ugu horeysay ee uu
baarlamaanka Yurub usoo jeesto. Go’aanada dhawaan kasoo baxayo ayaa saameyn
doono doorka midowga Yurub uu ku yeelan doono Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]