17 sano jir ku nool degmada Jowhar oo ka cabanaya xil loo magacaabay
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) – Feysal Cabdullaahi
Cumar oo ah 17 sano jir wax ka dhigta
dugsiga sare oo ku yaala magaalada Jowhar ayaa ka cabanaya xil ay u magacaawday
Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle.
Wiilkan oo xiriir la soo saameeyay Idaacada
Kulmiye ee fadhiggeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo magacaabey
guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Gamboole, isaga oo magacaabistaa ku tilmaamay mid uu aad ula yaabay oo lagu deg degey.
‘’Waxaa dhigtaa fasalka Afaraad ee dugsiga, aad
ayaan ula yaabay markii aan arkey Warqadan leygu magacaabey, Anniga xilkaa ma
qaban karo, waayo wada og-tahay xaalada dalka, caqabad weyn ayeey arintaan
nolasheyda ku noqon kartaa iyo aan bulshada dhax-galo, sidaa daraadeed Wasaaradda arrimaha gudaha
Hirshabeelle waxaan ku wargaliyay in aan xilkaa qaban karin’’ ayuu yiri Feysan
Cabdullaahi Cumar.
Wuxuu sheegay in markii hore qoyska uu ka soo jeedo gaar ahaan Aabihii lagu wargaliyay in Wiilkiisa uu ka qeybgalayo Siminaar, laakiin inta aan siminaarka la gaarin ay ka soo hor martay Warqadan leygu magacaabey ayuu yiri Feysal Cabdullaahi Cumar.
''Wadatashi kaddib waxaa go'aansaday in aan xilkaa iska casilo, warqada is casilaadeydana waan u gudbiyay Wasaaradda'' ayuu yiri Feysal.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay
dhinaca Wasaaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle oo la xiriira cabashada
Wiilkan 17 sano jirka ah ee ka cabanaya xilka loo magacaabay isaga oo aan lagu
soo wargalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]