Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Jabuuti
Jimco, June, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee
ku sugan Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali
Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo
ka barakacay colaadihii dalka ragaadiyay.
Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa si
heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed,
waxa uuna ka sheekeeyay ra’iisul wasaaruhu dhibaatada ay leedahay
Qaxootinimada.
“Waxa aan uga mahad celinayaa dawladda Jabuuti
sida walaaltinimada leh ee ay idiin soo dhaweysay. Waa aaminsanahay in halkaan
aad nolol ku heysataan, amni ku heysataan, xuquuq aad leedihiin oo qaarkiin
shaqo ku heystaan hadana meesha ugu dambeysa ee aad nolol wanaagsan ku heli
kartaan waa dalkiinna hooyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.
Waxaa uu kula dardaarmay ugu danbeyntii Qoysaska
Qaxootiga ah eek u dhaqan Cali-cadde in ay caruurtooda waxbarashada ugu
dadaalaan, si marka ay Soomaaliya ku soo laabtaan ay uga qeyb qaataan
dadaallada horumarinta dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]