Khamiis, June, 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga
furmaya tartanka Kubadda Cagta Aduunka iyadoo lugta ugu horeysay ee tartankan
ay isku arki doonaan kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.
Waxaa lagu wadaa in furitaanka tartanka uu ka qeybgalo madaxweyne Vladimir
Putin, waxaana ay munaasabadu ka dhaci doontaa garoonka Luzhniki Stadium oo ku
yaalla magaalada Moscow.
Russia ayaa waxaa ay qabashada koobka adduunka ku bixineysaa 13 bilyan oo
dollar, ayada oo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.
Kulmada is-aragga hore ayaa soconaya illaa 28-ka June, halka kuwa is
reereebka ay ay billaabanayaan 30-ka June. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa
dhaceysa 15-ka July.
Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany
ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo in ay koobka hantaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]